Muqdisho (Dawan) — Hay’adda Qatar Charity ayaa sabtidii magaalada Muqdisho ka daahfurtay qalliinno bilaash ah oo lagu daweynayo carruurta ku dhalatay daloolka wadnaha, kuwaas oo ka dhacaya Isbitaalka Somali Sudanese. Qalliinadan oo Sabtidii, 3-dii Oktoobar, billowday ayaa socon doona illaa 7-da Oktoobar, waxaana la qorsheeyey in ay ka faa’iideystaan 35 carruur ah oo u baahan adeeggan caafimaad.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in carruurta ka soo jeeda qoysaska aan awoodin kharashaadka qalliinnada wadnaha ay helaan daaweyn bilaash ah, taas oo fursad u siinaysa in wax laga qabto xaaladdooda caafimaad.