Jabuuti (Dawan) — Furaashyo, go’yaal, teendhooyin iyo agab waxbarasho ayaa la gaarsiiyay magaalada Obock ee waqooyiga Jabuuti, si loogu taageero dadka Yemen ka soo barakacay ee dhowaan halkaas gaaray, sida ay sheegaty Talaadadii wakaalada wararka Jabuuti .
Deeqda waxaa bixisay Sovereign Carbon Agency (SCA), iyadoo wakiilkeeda, Coranne Abdi Djama, uu wareejiyay 500 furaash, 1,000 go’ iyo 800 boorso oo loogu talagalay haweenka, iyo sidoo kale 100 teendho.
SCA ayaa sheegtay in deeqdan looga gol leeyahay in lagu hagaajiyo xaaladaha nololeed iyo soo dhaweynta dadka barakacay ee ku sugan gobolka Obock.
Qayb ka mid ah gargaarka ayaa loo qoondeeyay carruurta. Xoghayaha Guud ee Africa Sovereign Carbon Registry Foundation (ASCRF), Ahmed Araita Ali, ayaa carruurta qaxootiga ah u qaybiyay agab waxbarasho, iyadoo tallaabadaasi ay muujineyso muhiimadda sii wadidda waxbarashada xilliyada barakaca.
Munaasabadda lagu wareejinayay gargaarka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Obock, Moussa Aden Miganeh, Madaxweynaha Golaha Gobolka, Mohamed Houmed Ismael, iyo Xoghayaha Fulinta ee Xafiiska Qaranka ee Gargaarka Qaxootiga iyo Dadka Barakacay (ONARS), Mohamed Ali Kamil.