Muqdisho (Dawan) — Jaamacadda SIMAD ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah loo aqoonsaday jaamacadda ugu fiican Soomaaliya, sida lagu caddeeyay qiimeynta jaamacadaha Carabta ee sanadka 2025, ee uu sameeyay Ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed.
Qiimeyntan, waxaa sanad kasta wada sameeya Ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed iyaga Ururka Waxbarashada, Dhaqanka, iyo Sayniska (ALECSO). SIMAD ayaa guud ahaan heshay 182.4 dhibcood, iyada oo laga qiimeeyay qaybaha kala duwan ee waxbarashada, Cilmibaarista, Hal-abuurka, iyo arrimaha Bulshada, taas oo ka dhigtay jaamacadda ugu dhibcaha badan dalka.
Sidoo kale, qiimeyntan ayaa SIMAD ka dhigtay jaamacadda 103-aad guud ahaan jaamacadaha Carabta, iyada oo sameeysay kor kac dhan 10 kaalin, marka la barbardhigo sanadkii hore oo ay ka gashay kaalinta 113-aad.






