Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta sare ee dowladda inay safarradooda dibadda ku adeegsadaan baasaboorka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay muhiim u tahay ilaalinta sumcadda, sharafta iyo karaamada dowladnimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii, 6-dii Agoosto, ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay doorka mas’uuliyiinta dowladda ee xoojinta kalsoonida lagu qabo hay’adaha iyo astaamaha qaranka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta dowladda inay mudnaanta siiyaan adeegsiga baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marka ay u safrayaan dibadda, isagoo xusay in madaxda dowladda ay bulshada u yihiin tusaale ku saabsan ixtiraamka iyo adeegsiga dukumentiyada rasmiga ah ee dalka.