Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee isaga iyo Madaxweynaha ka dhexeeya uu ku salaysan yahay aragti iyo hadaf ay wadaagaan, halkii uu ahaan lahaa xiriir ku dhisan jago uu ka faa’iidaysanayo. Wuxuu arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha aysan ahayn laba qof oo isku cusub, isla markaana ay muddo dheer wada fadhiyeen, kana wada hadleen sidii Soomaaliya loo hagaajin lahaa.
“Madaxweynaha wax baan isla leenahay. Aragtida ayaan isla leenahay, vision-kana waan isla leenahay,” ayuu yiri.
Xamse ayaa xusay in ra’iisul wasaareyaashii hore laga yaabo in madaxweynayaashu ay u magacaabi jireen oo keliya, balse isaga uu qayb ka yahay mashruuca dowladda.
“Mashruuc ayaan ku leeyahay. Anigu ka faa’iidayste ma ihi. Qorshaha waan ka soo qayb galay, vision-kana waan wadaagnaa,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qodobka labaad ee xasilloonida siyaasadeed uu yahay xiriirka wanaagsan ee isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dhexeeya. Wuxuu sheegay inay saaxiibbo boqolkiiba boqol ah yihiin, weligoodna aysan wax dhibaato ah dhexdooda soo gelin, isla markaana ay si taxaddar leh uga ilaaliyeen.