Muqdisho (Dawan) – Dowladda Ruushka ayaa markale muujisay taageeradeeda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay gargaar degdeg ah oo loogu talagalay shacabka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha adag ee nololeed.
Gargaarkan, oo gaaraya 25 tan, ayaa isugu jira raashin iyo agab muhiim ah sida teendhooyin iyo bustayaal. Diyaarad sidday gargaarka ayaa maanta ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda lagu wareejinayay gargaarka, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Ruushka, oo ay ka mid yihiin Safiirka Ruushka iyo Qunsulka Safaaradda Ruushka ee Jabuuti iyo Soomaaliya, Rostislav Panus, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in gargaarkan uu yahay bilow wanaagsan, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Ruushka taageerada ay u fidisay Soomaaliya iyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.
“Gargaarkan waa bilow. Waxaan u mahadcelinayaa Safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti u qaabilsan, iyo kooxda maareynta musiibooyinka ee Ruushka ee alaabtan keentay,” ayuu yiri Maxamuud Macallin.


