Muqdisho (Dawan) – Dowladda Ruushka ayaa la filayaa inay Soomaaliya soo gaarsiiso gargaar raashin ah, kaas oo qayb ka noqon doona dadaallada lagu taageerayo bulshooyinka nugul, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) habeenkii Khamiista.
Arrintan ayaa lagu shaaciyay kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cali Xoosh, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Ruushka u jooga Jabuuti Mikhail Golovanov, oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya.
Sida ay sheegtay SoDMA, safarka safiirka Ruushka ayaa la xiriiray arrimaha gargaarka bani’aadannimo iyo isku-duwidda gargaar raashin ah oo la filayo in lagu wareejiyo hay’adda. Sidoo kale, sida ay Dawan ogaatay, gargaarka raashinka ayaa la filayaa in berrito uu soo gaaro Muqdisho, laguna keeno diyaarad.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in gargaarkani uu gacan ka geysan doono wax ka qabashada baahiyaha bani’aadannimo ee bulshada nugul ee ku nool qaybo ka mid ah dalka.


