Muqdisho (Dawan) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah Sacdiyo Macallin Xasan, oo bulshada dhexdeeda looga yaqaan Sacdiyo Bajaaj, ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah, sida uu sheegay qareenkeeda kadib markii la soo saaray xukunka.
Qareen Maxamed Sheekh Cusmaan, oo Sacdiyo ka mid ahaa difaacayaasha eedda uu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka u jeediyay, ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku weyday eed la xiriirtay qodobka 320-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kaas oo uu ku tilmaamay ku boorrin fal-dambiyeed.
Cusmaan ayaa sheegay in maxkamaddu Sacdiyo ku heshay qodobka 269-aad, farqaddiisa labaad, oo la xiriira aflagaadeynta xubin siyaasadeed, maamul ama garsoor, ama hay’ad guud, iyadoo loo marayo isgaarsiin sida qoraal, telefoon, telegram ama sawir.
Waxa uu sidoo kale xusay in xukunku uu lama filaan ku noqday dhinaca difaaca, maadaama maxkamaddu ay adeegsatay ciqaabta ugu badan ee uu qodobkaasi oggol yahay.