Sacuudiga (Dawan)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa oggolaatay magacaabista danjire cusub oo ay Soomaaliya u dirtay dalkaas, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, sida ku cad warqad diblomaasiyadeed oo ay heshay Dawan.
Warqad ku taariikhaysan 16 Febraayo (28/8/1447 Hijri) oo Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad la wadaagtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ay bixisay oggolaanshaha rasmiga ah ee danjiraha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u soo magacawday dalkaas.
Warqadda ayaa sidoo kale xustay in codsiga oggolaanshuhu uu ka yimid dhinaca Sacuudiga, isla markaana uu khuseeyay ansixinta danjiraha cusub ka hor inta uusan si rasmi ah xilka u qaban, kaas oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya gudbisay magacaabistiisa 11-kii Diseembar 2025.







