Baku (Dawan) – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah u gudbiyey nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo, waxaana ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Jeyhun Bayramov.
Munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.





