Jabuuti (Dawan)– Booliska Jabuuti ayaa xiray shan qof oo lagu tuhunsan yahay samaynta iyo faafinta lacag been abuur ah, kaddib baaritaan ka bilowday 5,000 faranka Jabuuti ah oo la siiyay haweeney qaad iibisa. Dhacdadu waxay bilaabatay 17-kii Sebteembar, markii nin laba xirmo oo qaad ah ka iibsaday haweeney ku ganacsata agagaarka suuqa xoolaha. Ninka ayaa bixiyay 5,000 faran oo warqado been abuur ah, wuxuuna qaatay lacagtii haraaga ahayd ka hor inta uusan goobta ka tegin. Daqiiqado kaddib, haweeneyda ayaa ogaatay in warqaddu been abuur yihiin.
Booliska ayaa sheegay in tilmaamaha ay haweeneydu ka bixisay ninka ay suurageliyeen in la qabto maalintii xigtay. Baaritaan ay sameeyeen saraakiisha saldhigga degmada afraad ayaa intaas kaddib ku guuleystay qabashada afar qof oo kale.