Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dalka Shiinaha ayaa bilaabay barnaamij deeq lagu maalgeliyay oo lagu taageerayo horumarinta dhallinyarada iyo reer miyiga, iyadoo loo adeegsanayo isboortiga, sida ay sheegtay warbaahinta dowlad Deegaanka Soomaalida SRTV.
Mashruucan ayaa lagu dhawaaqay Jimcihii kadib markii Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar, uu la kulmay wafdi Shiineys ah oo uu horkacayay safiirka Shiinaha u fadhiya Itoobiya, Chen Hai, sida lagu sheegay warbixinta.
Kulanka kadib, labada dhinac ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamij ay maalgelisay hay’adda Shiinaha ee Horumarinta Miyiga (China Foundation for Rural Development), kaas oo diiradda saaraya dhiirrigelinta dhaqdhaqaaqa jirka, ballaarinta fursadaha isboortiga, iyo taageeridda horumarinta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada reer miyiga ah.
Saraakiishu waxay sheegeen in barnaamijkani uu qayb ka yahay iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Shiinaha iyo Itoobiya, iyadoo la xoojinayo mashaariicda horumarineed ee ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida.


