Muqdisho (Dawan)— Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay qorshaha amni ee lagu xaqiijinayo badbaadada doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo la filayo inay qabsoomaan Khamiista, 25-ka Diseembar 2025. Qorshahan waxaa saldhig u ah xaddidaadda dhaqdhaqaaqa guud ee magaalada inta lagu guda jiro maalinta codbixinta.
Go’aanka xaddidaadda socodka ayaa ka dhashay kulan degdeg ah oo uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, la yeeshay dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Booliska, kaas oo lagu gorfeeyay xaaladda amni, khataraha suuragalka ah, iyo tallaabooyinka looga hortagayo wax kasta oo carqalad ku noqon kara hannaanka doorashada.





