Muqdisho (Dawan)- Muddo ka badan labaatan sano, Soomaaliya waxaa sii xoogeysanayay ku tiirsanaanta Doolarka Mareykanka, halka Shilinkii Soomaaliga uu si tartiib tartiib ah uga baxayay kaalintii dhaqaale ee uu lahaa. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sababaha keenay hoos u dhaca kalsoonida lagu qabo lacagta qaranka iyo sida dib loogu soo celin karo awooddeedii hore.
Su’aalahan ayaa lagu falanqeeyay barnaamijka Irmaan Podcast, oo uu marti ku ahaa khabiirka dhaqaalaha Dr. Cabaas Cumar Maxamed, oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista ee Jaamacadda Muqdisho.
Dr. Cabaas ayaa sheegay in lacag kasta lagu qiimeeyo saddex shaqo oo waaweyn, kuwaas oo kala ah in lagu qiimeeyo badeecadaha iyo adeegyada, in lagu kala iibsado waxyaabaha bulshada u baahan tahay, iyo inay noqoto meel lagu keydiyo qiimaha hantida.
Marka saddexdaas qodob lagu cabbiro Shilinka Soomaaliga maanta, ayuu sheegay in lacagtu lumisay inta badan shaqooyinkeedii dhaqaalaha.
“Qofka doonaya inuu guri, gaari ama ganacsi qiimeeyo, inta badan wuxuu ku qiimeeyaa Doolar. Sidoo kale qofku ma aamino in Shilinku qiimihiisa sii haysan doono muddo dheer,” ayuu yiri.
Khabiirku wuxuu xusay in Shilinka Soomaaligu ahaa lacag xooggan muddadii u dhexeysay lixdamaadkii ilaa horraantii sideetamaadkii, xilligaas oo hal Doolar lagu sarifan jiray qiyaastii lix ilaa toddobo Shilin Soomaali.
Si kastaba ha ahaatee, bartamihii sideetamaadkii ayaa bilaabatay hoos u dhaca qiimaha lacagta, kaddib markii ay isa soo tareen deymaha, colaadaha, hoos u dhaca dhaqaalaha iyo dabacsanaanta lagu sameeyay nidaamka sarifka lacagaha. Burburkii dowladdii dhexe ee 1991 ayaa xaaladda sii xumeeyay.
“Lacagtu waxay u baahan tahay hal meel oo laga soo saaro. Soomaaliya taas way wayday. Waxaa bilaabmay in meelo badan lagu daabaco lacag aan cidina xakameynayn,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Dr. Cabaas ayaa sheegay in inkastoo Doolarka Mareykanku uu kordhiyay ku tiirsanaanta lacag shisheeye, haddana uu Soomaaliya u keenay xasillooni dhaqaale oo dhinacyo badan leh.
Ganacsiyada waaweyn, qiimeynta badeecadaha iyo xakamaynta sicir-bararka ayaa si weyn uga faa’iidaystay isticmaalka Doolarka, taas oo ka dhigtay lacagta ugu badan ee lagu kala iibsado gudaha dalka.
“Doolarku wuxuu noqday xal ay duruuftu keentay. Ma aha siyaasad dowladeed oo lagu go’aansaday, balse waa jawaab ay bulshadu ka bixisay burburkii ku dhacay kalsoonida Shilinka,” ayuu sheegay.