Baydhabo (Dawan ) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shaaciyay natiijada doorashada golaha deegaanka ee Koonfur Galbeed, iyadoo Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu noqday ururka helay codadka iyo kuraasta ugu badan ee doorashadii goleyaasha deegaanka.
Sida uu sheegay guddoomiyuhu, doorashada waxaa ku tartamay 32 urur siyaasadeed, waxaana codkooda dhiibtay 132,430 qof. Codadka ansaxa ah ayaa gaaray 127,018, halka codadka xumaaday lagu sheegay 5,412, oo u dhiganta ku dhowaad 4%. Dhammaan ururradu waxay ku tartamayeen 297 kursi oo goleyaasha deegaanka ah, ama baarlamaannada degmooyinka Koonfur Galbeed.
Natiijada la shaaciyay ayaa muujisay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helay 67,088 cod, oo u dhiganta 52.82%, wuxuuna ku guuleystay 148 kursi. Tiradaas ayaa ka dhigtay ururka ugu codadka iyo kuraasta badan doorashada goleyaasha deegaanka ee 13-ka degmo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.


