Muqdisho (Dawan ) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu si rasmi ah ugu diyaar-garoobayo ka hortagga cudurka Ebola, xilli qaar ka mid ah dalalka Afrika laga soo sheegay cudurkan halista ah sida degdegga u faafa.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Maxamed Xasan Bulaale, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan sugin in cudurku dalka soo gaaro, balse ay muhiim tahay in laga sii hortago, gaar ahaan meelaha uu ka soo geli karo dalka.
Bulaale ayaa sheegay in cudurrada ka dillaaca dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, sida Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ay keeni karaan halis degdeg ah, maadaama Soomaaliya ay xiriir socdaal iyo shaqo la leedahay dalalkaas.
Wuxuu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka, Midowga Afrika iyo shaqaalaha caafimaadka ee Soomaaliya ay sanadkan si toos ah ugu diyaar-garoobayaan ka hortagga Ebola.


