Muqdisho (Dawan) — Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa sheegtay inay leedahay lambar gaaban oo dadweynuhu ku soo gudbin karaan cabashooyinkooda. Hay'adda waxay intaas ku dartay in cabashooyinka la soo gudbiyay la daba galo, qaarkoodna la diiwaangeliyo.
Arrintan waxaa sheegay guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macalin, oo wareysi siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan TV. Wuxuu sheegay in lambarka 449 loo sameeyay in dadku ku soo calaamadeyn karaan cabashooyinkooda.
"Anaga waxaan haysaa number la sameeyay oo gaaban oo 449 la yidhaahdo. Number-kaasi waxa loogu talagalay cabashooyinka ayaa lagu soo calaamadeyn karaa," ayuu yidhi Maxamuud Macalin.
Guddoomiyaha wuxuu ku nuuxnuuxsaday in cabasho kasta oo la soo gudbiyo aan si toos ah loogu qaadan karin mid xaqiiqo ah. Wuxuu sheegay in waxyaabaha warbaahinta lagu sheego ama baraha bulshada lagu qoro aan had iyo jeer la xaqiijin karin.