Qaahira (Dawan)— Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, John Ratcliffe, ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya, dagaalka Suudaan iyo xaaladda guud ee Geeska Afrika, sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar Axaddii.
Sisi ayaa xaqiijiyay taageerada Masar ee dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.
Ratcliffe ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Mareykanka iyo Masar sii wadaan isku-duwidda arrimaha Soomaaliya, Suudaan, Geeska Afrika iyo ammaanka marinnada maraakiibta caalamiga ah.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga CIA-da iyo Hay’adda Sirdoonka Guud ee Masar ee dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo dambiyada xuduudaha isaga gudba. Madaxa Sirdoonka Masar, Hassan Rashad, ayaa kulanka ka qeybgalay.