Muqdisho (Dawan)— Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qurba-joogta, ka doonaysaa inay gacan ka geystaan daboolidda farqiga dhaqaale ee ka jira gurmadka, iyadoo ilaa hadda la helay $7 milyan oo keliya oo ka mid ah $208 milyan oo hay’addu ku qiyaastay baahida jirta.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in hay’addu aysan ku tiirsanaan doonin oo keliya dowladaha shisheeye iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, balse ay filayso in shacabka Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan gurmadka.
“Rajada aan qabno ma aha inaan ajnabi wax ka heli doonno ama dowladaha wax ka heli doonno. Rajada aan qabno waxay tahay umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurba-joogta ah, inay soo nala soo gurman doonaan,” ayuu Cabdulle ku yiri wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan ee Dawan Media maanta oo Sabti ah.
Wuxuu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaadatay gurmadkii abaartii hore, iyadoo ganacsatada, qurba-joogta, qoysaska iyo kooxaha bulshada ay bixiyeen taageero ay ka mid yihiin biyo-dhaamin iyo kaalmooyin kale.
Cabdulle wuxuu sheegay in gurmadka bulshada uu xilligaas yareeyay culayska ka jiray dowladda iyo hay’adaha gargaarka, xilli dhaqaalaha caalamiga ah uu xaddidnaa.
Dhanka kale, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay diyaargarow ugu jirtaa fatahaado laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka culus ee la filayo xilliga Deyrta iyo xaaladda El Niño.