Muqdisho (Dawan) — Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa ka digtay khatarta sii kordheysa ee fatahaadaha ka dhalan kara wabiga Shabeelle, iyadoo sheegtay in webigu ka duleelo 366 meelood, kuwaas oo guddoomiyaha hay’addu ku tilmaamay meelo waaweyn oo khatar ah.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wareysi siiyay Miizaan Podcast, ayaa sheegay in xaaladda webiga iyo caqabadaha ka jira goobaha uu maro ay adkeynayaan dadaallada looga hortagayo fatahaadaha.
“Wabiga Shabeelle 366 meelood ayuu ka dillaacaa, kuwaas oo ah meelo waaweyn. Kama hadleyno meelo yaryar,” ayuu yiri Maxamuud.
Fatahaadaha ayaa ah mid ka mid ah khataraha soo noqnoqda ee saameeya bulshada ku nool hareeraha webiyada Soomaaliya. Marka wabiyadu fatahaan ama ay jabsadaan jiinkooda, dadka ku nool dhulka hooseeya ayaa wajahaya barakac, khasaaraha beeraha iyo burburka guryaha iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Guddoomiyaha SODMA ayaa sheegay in mid ka mid ah sababaha khatarta fatahaadaha sii kordhinaya ay tahay dayaca muddo dheer ka jiray webiga.Wuxuu sheegay in webigu uu buuxsamay, isla markaana aan muddo dheer laga qaban shaqooyin ay ka mid yihiin nadiifinta ciidda iyo qodista webiga.
“Wabiga wuu buuxsamay. 40-kii sano ee dowlad la’aanta Soomaaliya ahayd, ciidna lagama saarin, lamana qodin, waxbana lagama qaban. Taas ayaa khataraha kordhineysa,” ayuu yiri.