Soomaaliya, 25 Febraayo 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa cafis u fidiyay 713 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Somaliland, sida ay Madaxtooyadu ku dhawaaqday maanta oo Arbaco ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in sii-deyntan ballaaran ay diiradda saarayso maxaabiista u xiran dambiyada fudud. Tallaabadan ayaa timid kaddib talo-bixin rasmi ah oo uu soo gudbiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta 19-kii Febraayo iyo latalin sharci oo uu bixiyay Xeer-ilaaliyaha Guud 24-kii Febraayo.
“Waxaan go’aansaday in laga bilaabo maanta cafis guud loo fidiyo maxaabiista u xiran dambiyada fudud ee ku jira xabsiyada dalka, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 713 maxbuus,” ayuu Cirro ku yiri wareegtada.






.jpg&w=3840&q=75)