Hargeisa (Dawan)— Somaliland iyo Taiwan ayaa furay beer tijaabo iyo tababbar oo loogu talagalay horumarinta abuurka, kordhinta xirfadaha beeralayda iyo xoojinta sugnaanta cuntada, sida ay sheegtay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axaddii.
Beerta laga hirgeliyay Aw-Barkhadle ayaa qeyb ka ah mashruuca horumarinta abuurka oo ay si wadajir ah u fulinayaan wasaaradda iyo Ergada Farsamada Taiwan, iyadoo taageero laga helayo Sanduuqa Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Taiwan.
Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, Aadan Geeddi Qayaad, ayaa beerta si rasmi ah u furay. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay masuuliyiin wasaaradda ka tirsan, wakiilka Taiwan ee Somaliland Allen Lou, khubaro beeraha ah iyo isku-duwayaasha mashruuca.