Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa Arbacadii si rasmi ah u dhaqan-gelisay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Maamulka Maaliyadda, kaas oo markii hore ahaa Xeer Lr. 75/2016, iyadoo wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyay sannadkii 2025.
Munaasabad lagu daah-furayay dhaqangelinta xeerka ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo masuuliyiintu ay sheegeen in ujeeddadu tahay in xeerku si toos ah u dhaqan galo oo uu noqdo hannaan hagaya maamulka maaliyadda Somaliland.
Wax-ka-beddelka xeerka ayaa diiradda saaraya dhismaha dowlad-wadaagga iyo maamul-wanaagga, iyadoo si cad loo qeexayo mas'uuliyadaha hay'adaha kala duwan iyo waajibaadka shaqo ee saaran hay'ad kasta.
"Waxa ugu muhiimsan ee xeerkani diiradda saarayo waa dhismaha dowlad-wadaagga iyo maamul-wanaagga," ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Cabdillaahi Xasan Aadan.
Xeerku wuxuu sidoo kale xoojinayaa isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta maamulka maaliyadda Somaliland, iyadoo la dejinayo nidaam cad oo lagu ogaanayo cidda masuulka ka ah qorshaynta, qoondaynta, fulinta, kormeerka iyo warbixinta maaliyadda.
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa sheegtay in xeerku sidoo kale si weyn u faahfaahinayo doorka Golaha Wakiillada ee maamulka maaliyadda, gaar ahaan kormeerka miisaaniyadda iyo maamulka dhaqaalaha.