Hargeysa (Dawan) – Somaliland ayaa filaysa in orodyahanno ka kala socda sagaal ilaa 11 dal ay ka qaybgalaan tartanka afraad ee Hargeisa International Half Marathon, kaas oo 25-ka Sebtembar 2026 lagu qaban doono Hargeysa, sida uu sheegay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.
Wasiirka Axmed Yaasiin Maxamed Farax ayaa sheegay in diyaar-garowgu uu socdo, iyadoo tartankan caalamiga ah uu markii afraad ka dhacayo magaalada Hargeysa.
“Waxaan rejaynaynaa, haddii Alla yiraahdo, 9 dal illaa 11 dal inay ka soo qayb galaan,” ayuu yiri Farax.
Wasiirku wuxuu tartanka ku tilmaamay munaasabad muhiim u ah Somaliland iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, isagoo sheegay in diyaar-garowgu uu socdo si tartankan looga dhigo mid ka wanaagsan kii hore.
“Waa orod international ah oo markii afraad lagu qaban doono Hargeysa,” ayuu yiri.