Soomaaliya, 16 Abriil 2026 (Dawan) – Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah ka hortimid diidmada Soomaaliya ee ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Israa’iil, kadib markii Muqdisho ay cambaareysay magacaabista safiirka Israa’iil u fadhin doona Somaliland, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.
Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in tallaabadaasi ay jebinayso sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah inay ka hortagaan tallaabo kasta oo loo arko aqoonsi gooni u siinta Somaliland.
Iyadoo ka jawaabaysa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan wax awood ah ku lahayn inay farageliso arrimaheeda diblomaasiyadeed, iyadoo ku tilmaantay sheegashada Muqdisho “mid aan sal lahayn.”
Soomaaliya waxay Somaliland u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda, waxayna ka hortagtay dadaallada Somaliland ee ay ku dooneyso inay samaysato xiriirro diblomaasiyadeed oo madax-bannaan.
Somaliland, oo ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, ayaa sheegtay in madaxbannaanideedu ay dib ugu laabanayso 26-kii Juun 1960, markaas oo ay ka xorowday Britain ka hor inta aysan la midoobin Soomaaliya. Waxay sheegtay in midowgaasi uusan lahayn sal sharciyeed oo wax ka tari kara jiritaankeeda dawladnimo sida ay hadalka u dhigtay.


