Hargeysa (Dawan) - Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa joojisay dood diimeed ay culimo ku qaban lahaayeen magaalada Hargeysa, iyadoo sheegtay in kulankaasi abuuri karo khilaaf diimeed iyo walaac amni. Wasaaraddu waxay warsaxaafadeed ku sheegtay Axaddii in qorshaha doodda maalmahan lagu faafiyay baraha bulshada, balse ma aysan magacaabin culimada ku lugta leh, mowduuca laga doodi lahaa, goobta ama wakhtiga kulanka.
Go’aanka ayaa lagu sababeeyay waajibaadka wasaaradda ka saaran ilaalinta midnimada culimada, yareynta khilaafaadka diimeed iyo ka hortagga wax kasta oo kala qeybin kara bulshada. Wasaaraddu waxay hoteellada iyo goobaha kale ee dadweynaha uga digtay inay martigeliyaan dood diimeed aan oggolaansho rasmi ah laga haysan. Waxay sheegtay in kulamada noocaas ahi horseedi karaan khilaaf iyo nabadgelyo-darro.
Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inay la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo la xiriira doodda la joojiyay.