Hargeysa (Dawan) – Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa joojisay iibinta iyo qaybinta dawooyinka ay soo saarto YENISOM Healthcare, iyadoo sheegtay in shirkaddu dawooyinkeeda ku farsamayso Muqdisho, isla markaana dawooyinkaas aysan marin habraacyada hubinta tayada iyo baaritaanka ee hay’addu u dejisay dawooyinka Somalialnd soo galaya.
Agaasimaha Waaxda Hubinta Daawada ee Hay’adda Dhawrista Tayada, Asma Cabdi Jaamac, ayaa sheegtay in go’aanka lagu saleeyay waajibaadka hay’adda ee ilaalinta tayada iyo badqabka dawooyinka.
“Waxay gebi ahaanba joojisay in la iibiyo ama la qaybiyo dawooyinka ay soo saarto shirkadda YENISOM, kuwaas oo lagu farsameeyo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya,” ayay tiri Asma Cabdi Jaamac.
Hay’addu waxay ku wargelisay ganacsatada dawooyinka soo dejisa iyo cid kasta oo ka ganacsata dawooyinka inaysan iibin karin ama qaybin karin dawooyinka ay soo saarto YENISOM.
Asma Cabdi Jaamac ayaa sheegtay in sababta loo joojiyay dawooyinkan ay tahay in aysan marin habraacyada hubinta tayada iyo baaritaanka ee Hay’adda Dhawrista Tayada marka ay Somaliland soo galayaan.
“Waxa loo joojiyay dawooyinkan in aanay soo marin habraacyada hubinta tayada iyo baadhista ee u yaalla Hay’adda Dhawrista Tayada markay dalka soo galayaan,” ayay tiri.