Muqdisho (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku baaqay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dagaalkii 26-kii Oktoobar ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay, kaddib markii ay soo baxeen warar kala duwan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Farmaajo ayaa dhaliilay habka dowladda u maareyso khilaafaadka siyaasadeed iyo hawlgallada milatari, isaga oo ku eedeeyay in awoodda ciidamada loo adeegsado xallinta kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed. Waxa uu sheegay in arrintani ay khatar gelinayso nolosha askarta Soomaaliyeed.
“Ma jirto dan siyaasadeed oo qiimaheedu gooyo dhiigga askari Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.