Awdal (Dawan) – Taliye laanta baarista dambiyada ee gobolka Awdal, Maxamed Cabdullaahi Muuse, ayaa xalay shaaca ka qaaday in qunsul ku-xigeenka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Cabdi Cabdifataax Cilmi Maxamed, dhaawaca gaaray uu ka soo gaaray habad uu asaga isku dhiftay.
Shilkaan ayaa dhacay 17 September ee sanadkaan sida uu sheegay taliye Maxamed, isaga oo intaas ku daray in shilka ka dib markii Cabdi Cabdifataax Cilmi Maxamed laga soo saaray qeybta saaladda isbitaalka ay ku booqdeen ay su’aalo ka waydiiyeen dhibka soo gaaray.
Maxamed Cabdullaahi Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in safiir ku xikeenka uu asaga isdhaawacay, xabahada ka dhacay guriga uu asaga riday si uu qoyskiisa iyo bulshadaba ugu sheego in la soo weeraray.
“Saddexdan qasharka ah(fooqa xabadda) ee aan soo helay iyo xabbadaan nool (xabad aan wali la ridin) iyo dhaawaca asaga gaaray waxay cadeyneysaa, in rasaasta ay tiisii tahay sababtoo ah rasaasta meesha ka dhacay iyo bastoolada uu isagu haystana waa turkey, Waxaana noo soo baxday in rasaastii iyo bastoolada uu adeegsanayay ay is leeyihiin taas ayaana ku caddaynaynaa fal-dimbiyeedkaas in uu isagu isku geystay oo aysan cid kale u geysan.” Ayuu yiri Maxamed Cabdillaahi Muuse
Taliye Maxamed Cabdillaahi Muuse ayaa intaa ku daray in safiirka loo geeyay isbitaalka guud si loo baaro dhaawaca, isla markaana dhaawaca laga helay uu ahaa mid gudaha afkiisa ah, iyadoo aysan jirin wax dhaawac ah oo kale, taasna ay ku xaqiiqsadeen in uu asaga isgaarsiiyay dhaawaca.
Ciidanka ayaa intaan ku daray in boorsada qaaska ah ee safiir ku xigeenka ay ka heleen kaniinyo loo cuno welwelka.