Türkiye (Dawan) — Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka ka qayb galay kulanka Baarlamaannada Adduunka ee Ururka IPU, kaas oo qayb ka ahaa Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada COP31, laguna qabtay magaalada Antalya ee dalka Turkiga.
Soomaaliya waxaa kulanka ku matalay Sanatar Samsam Daahir Maxamuud iyo Sanatar Saciid Cabdi Xuseen Cawke oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb galay doodaha la xiriiray doorka baarlamaannada ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada.
Kulanka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka Qaranka ee Turkiga ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaanno ka kala socday dalal kala duwan, kuwaas oo falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa sharciyada deegaanka, kormeerka siyaasadaha cimilada iyo iskaashiga caalamiga ah.