Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka qabsoomay imtixaan ay u fariisteen 50 arday oo ku tartamaya fursado tababar oo la xiriira adeegyada iyo hawlaha duulista hawada, kuwaas oo lagu qaban doono Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Imtixaanka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Aden Adde Airport Authority) iyo Somali Aviators Hub, iyadoo ujeeddadu tahay in la soo xulo ardayda ugu sarreysa ee ka faa’iideysan doonta barnaamij tababar shaqo oo socon doona muddo saddex bilood ah.
Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa xarigga ka jaray maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Agaasimaha Somali Aviators Hub, Cabdiraxiin Mukhtaar, ayaa sheegay in ardayda la soo xulo ay tababarka ku qaadan doonaan qaybaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee garoonka.
“Waxaan barnaamijkan ugu talagalnay in ardaydu helaan tababar socon doona muddo saddex bilood ah, kaas oo lagu qaadan doono qaybaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee garoonka,” ayuu yiri Cabdiraxiin Mukhtaar.
Ardayda la xusho ayaa fursad u heli doona inay si toos ah ula shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee garoonka, iyagoo tababar ku qaadan doona adeegyada rakaabka, gaar ahaan goobaha loo yaqaan Counter-ka, halkaas oo rakaabku ka helaan adeegyada la xiriira safarkooda. Waxay sidoo kale baran doonaan habraacyada la xiriira raadinta iyo maaraynta boorsooyinka rakaabka ee luma, halka qaar ka mid ah ardayda la siin doono tababar ku saabsan hagidda diyaaradaha marka ay soo degayaan.
Mas’uuliyiinta soo qabanqaabiyay imtixaanka ayaa sheegay in barnaamijkan la qorsheynayo in sannad kasta la qabto, si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado ay ku bartaan xirfadaha la xiriira duulista hawada. Sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaashu, barnaamijka oo lagu shaaciyay baraha bulshada ee Somali Aviators Hub waxaa markii hore soo codsaday 120 qof, balse 50 arday oo keliya ayaa maanta u fariistay imtixaanka. Ugu dambayn, waxaa la xulan doonaa shanta arday ee keenta dhibcaha ugu sarreeya.