Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay wadatashi diblomaasiyadeed ugu yeertay wakiilkeedii u joogay Jamhuuriyadda Jabuuti, iyada oo ku tilmaamtay go'aanka mid waafaqsan hab-raacyada caalamiga ah ee diblomaasiyadda.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wakiilka dib loogu yeeray inuu Hargeysa kusoo noqdo si uu uga qayb qaato wadahadallo iyo la-tashiyo la xiriira arrimaha dibadda.
"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa Wakiilkeedii u joogay Jamhuuriyadda Jabuuti, inuu wadatashi ugu yimaado magaalada Hargeysa" ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay Wasaaradda oo nuqul ka mid ah ay heshay Dawan Media.





