Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa sheegay in Somaliland ay soo jeedisay dhismaha guddi nabadeed oo la falgala dhinacyada Laascaanood, balse aan weli wax jawaab ah laga helin dhanka dowlad goboleedka Waqooyi Bari.
Madaxweynaha oo khudbad sanadlaha ah u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay waddo dadaallo ku aaddan nabad iyo dib-u-heshiisiin ka hirgasha gobolka Sool.
Wuxuu xusay in ay hore u gudbiyeen qorshayaal ay ka mid yihiin dhismaha guddi nabadeed, is-weydaarsiga maxaabiista, iyo furitaanka isu-socodka ganacsiga iyo dadka.
“Somaliland waxay diyaar u tahay nabad, oo ay ku jiraan is-weydaarsiga maxaabiista iyo furitaanka ganacsiga iyo isu-socodka dadka,” ayuu yiri Cirro, isaga oo intaas ku daray in weli aan wax jawaab ah laga helin Laascaanood.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay xiriirka bulsho iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka Sool iyo Somaliland inteeda kale, isagoo ku baaqay in si wadajir ah xal waara loo gaaro.


