Sweden (Dawan) – Shan siyaasi oo Swedish ah asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku guuleystay kuraasta Baarlamaanka Sweden ee “Riksdag”, kaddib doorashadii guud ee dalka ka dhacday 13-kii Sebtembar, sida ku cad liiska rasmiga ah ee xildhibaannada la doortay ee uu soo saaray Baarlamaanka Sweden.
Shanta xildhibaan ayaa kala matalaya Xisbiga Cagaaran iyo Xisbiga Bidixda, waxaana laga soo doortay afar deegaan doorasho oo kala ah degmada Göteborg, degmada Stockholm, gobolka Södermanland iyo gobolka Dalarna.
Leyla Cali Cilmi oo Xisbiga Cagaaran ka soo baxday Göteborg ayaa ah xildhibaanka keliya ee shanta ka mid ah ee horey uga tirsanaa Baarlamaanka Sweden. Waxay markii ugu horreysay Riksdag kasoo gashay 2018, waxaana dib loo doortay 2022 iyo 2026, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah ee xubin ka noqota Baarlamaanka Sweden.
Ilyaas Xasan ayaa Xisbiga Bidixda uga soo baxay degmada Stockholm, isagoo markii ugu horreysay xubin ka noqonaya Baarlamaanka Sweden muddada afarta sano ah ee 2026 ilaa 2030.