New York. (Dawan)— Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dominika ayaa Arbacadii, yeeshay xiriir diblomaasiyadeed, kadib markii wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ay bayaan wadajir ah ku saxiixeen New York, sida ay sheegeen labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dominika Víctor O. Bisonó Haza ayaa bayaanka saxiixay intii ay socdeen kulamada heerka sare ee kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dominika ayaa sheegtay in xiriirka loo aasaasay si waafaqsan Heshiiska Vienna.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada wasiir ay sidoo kale ku heshiiyeen xoojinta wada shaqaynta labada dal. Waxay tallaabadan ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirkeeda dalalka Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanka.