Buur Hakaba (Dawan)– Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay ayaa booqday degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay, si ay u qiimeeyaan xaaladda bani’aadannimo iyo baahiyaha mudnaanta leh, sida ay sheegtay SoDMA.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya.
SoDMA ayaa sheegtay in booqashadani ay ahayd tii labaad ee Guddoomiyaha SoDMA uu ku tago Buur Hakaba, taas oo muujinaysa dadaallada socda ee lagu kormeerayo xaaladda bani’aadannimo, isla markaana lagu dardargelinayo gurmadka loo fidinayo bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.
Intii ay booqashadu socotay, wafdigu wuxuu la kulmay wakiillo ka socday bulshada 373 tuulo oo hoos yimaada degmada Buur Hakaba, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan baahiyaha deegaanka iyo xaaladda bani’aadannimo.