Moscow (Dawan) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo booqasho ku jooga dalka Ruushka ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka, Vasily Osmakov, halkaas oo ay uga wada hadleen fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dal.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka, kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dan wadaagta u ah labada dhinac iyo sida lagu xoojin karo iskaashiga laba geesood ah oo ku saabsan dhinaca difaaca
“Labada dhinac waxay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-hadal wax-ku-ool ah, waxayna muujiyeen danayn wadajir ah oo ku aaddan xoojinta xiriirka milatari ee labada dal,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhanka kale, qoraal maanta oo Sabti ah kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay carrabka ku adkeeyayeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadallada wax-ku-oolka ah, iyagoo muujiyay rabitaan wadajir ah oo lagu horumarinayo laguna xoojinayo xiriirka iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Ruushka.


