Madrid (Dawan )– Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashi siyaasadeed, kaas oo dhisaya hannaan wadahadal joogto ah iyo xoojinta iskaashiga labada dal, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay kadib markii Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar, uu magaalada Madrid kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Spain, Diego Martínez Belío.
Sida wasaaradda ay sheegtay labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha badda, dhalinyarada iyo iskaashiga goleyaasha caalamiga ah.
