Cammaan (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun, Sarreeye Gaas Yuusuf Axmed Al-Xuneyti, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga ciidan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Urdun, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, tayeynta ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha iyo la-dagaallanka argagixisada.
Kulanka oo Talaadadii ka dhacay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun ee magaalada Cammaan ayaa qayb ka ahaa booqasho rasmi ah oo Wasiir Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku joogaan Boqortooyada Urdun.
Labada dhinac ayaa intii uu socday kulanka dib u eegay xaaladaha amni ee gobolka iyo caalamka, caqabadaha amni ee jira, iyo fursadaha lagu horumarin karo xiriirka difaaca ee labada dal.