Muqdisho (Dawan) – Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa Talaadadii ballaarisay howlaha gargaarka bani’aadantinimo ee lagu taageerayo qoysaska ay abaartu saameysay ee gobollada koonfureed, iyadoo billowday wejiga koowaad ee qaybinta raashiinka degmada Afmadow, halka ay horay uga socotay qaybintu magaalada Kismaayo, isla markaana lagu soo gabagabeyay barnaamij laba maalmood socday oo gargaar ah oo la gaarsiiyay qoysas ku nool Baydhabo.
Wejiga koowaad ee qaybinta gargaarka cunnada ayaa si rasmi ah uga bilowday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in barnaamijkan loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta abaartu ku yeelatay qoysaska nugul ee waayay xoolahoodii iyo dalagyadoodii, kuwaas oo wajahaya xaalado nololeed oo adag.
Xoghayaha maamulka degmada Afmadow, Maxamed Xalane, ayaa sheegay in raashiinka la qaybiyay uu ka koobnaa bariis, bur, baasto, sonkor iyo digir, isagoo xusay in gargaarkani uu yimid xilli qoysas badan ay qabaan baahi bani’aadantinimo oo aad u daran.
Dhanka kale, magaalada Baydhabo, Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), iyadoo kaashanaysa maamulka deegaanka, ayaa soo gabagabeysay barnaamij laba maalmood socday oo gargaar cunto lagu gaarsiiyay 2,500 qoys. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta SoDMA, 1,500 qoys ayaa gargaar la gaarsiiyay maalintii koowaad, halka 1,000 qoys oo kale ay heleen maalintii labaad.