Soomaaliya, 13 Oktoobar 2025 — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha (GMDQS) ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu qorsheynayo diiwaangelinta ilaa laba milyan oo muwaadiniin ah ka hor doorashooyinka golayaasha deegaanka ee soo socda, oo ay ku jirto doorashada Muqdisho ee la qorsheeyay dhammaadka bishan.
Guddoomiyaha GMDQS, Cabdikariin Axmed, ayaa u sheegay xubno ka tirsan Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed ee booqashada ku tegay xarunta guddiga in ilaa nus milyan qof horey loo diiwaangeliyey gobollada dalka, halka ku dhowaad hal milyan lagu diiwaangeliyey caasimadda.
“Ujeedadeennu waa in aan u diyaarinno laba milyan oo qof inay ka qeyb galaan doorashooyinka golayaasha deegaanka,” ayuu yiri Cabdikariin.
Diiwaanglinta codbixiyeyeesha Muqdisho ayaa 30 September soo gabagaboobay wallow dowlad goboleedyada qaar ay ka furantahay weli.
Si kastaba ha ahaatee, guddigu weli ma shaacin taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka ee guud ahaan dalka, wuxuuxsa horay u shaaciyey midda golayaasha deegaanka Muqdisho oo la qaorsheeyey 30-ka Oktoobar.
Culimada, oo ay ka mid yihiin Sheekh Aadan Macallin Sugow iyo Sheekh Cali Wajis, ayaa ammaanay shaqada guddiga, iyagoo sheegay in ay door muhiim ah ka ciyaareyso dhiirrigelinta ka-qaybgalka dimuqraadiyadda iyo yaraynta saameynta siyaasadda ku dhisan qabiilka.
Inkasta oo dadaalladan ay socdaan, haddana guddigu wuxuu wajahayaa caqabado siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah mucaaradka ay ka biyo diideen hannaanka diiwaangelinta iyo qorshaha doorashooyinka.
“Waxaan galnay marxalad u baahan dadaal iyo go’aan adag, Ilaahay idamkiisna waxaan dardar gelin doonnaa wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,” ayuu sii raaciyay Cabdikariin.
Booqashada Golaha Sare ee Culimada ayaa muujineysa doorka ay hoggaamiyeyaasha bulshada iyo diinta ku leeyihiin wacyigelinta codbixiyayaasha, taas oo ah tallaabo muhiim ah iyadoo Soomaaliya isu diyaarineyso doorasho hal qof, hal cod ah.



