Nairobi (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegayay in Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, loo yeeray kaddib markii uu ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo uu sidoo kale ka qeyb galay safiirka Israa’iil ee Kenya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa Dawan u sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socotay ka qeybgalka safiirka ee Shirka iyo Bandhigga 6-aad ee Avocado Africa 2026, isla markaana uusan jirin wax khalad ah oo dhacay.
“Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle wuxuu shirka uga qeyb galay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya. Shirku wuxuu ahaa mid la xiriiray beeraha iyo ganacsiga, mana ahayn kulan siyaasadeed. Sidaa darteed, wararka sheegaya in safiirka loo yeeray waa kuwo aan sax ahayn,” ayuu Wasiirku u sheegay Dawan Media.
Muranka ayaa yimid kaddib markii Safaaradda Israa’iil ee Kenya ay baahisay qoraal ay ku sheegtay in safiirkeeda, Gideon Behar, uu furay shirweynaha Avocado Africa 2026, iyada oo ku tilmaamtay dhacdada qayb ka mid ah iskaashiga Kenya iyo Israa’iil ee horumarinta wax-soo-saarka avokadhada.
Hase yeeshee, dukumentiyo ay aragtay Dawan Media ayaa muujinaya in shirku ahaa madal caalami ah oo ay kasoo qeyb galeen wufuud diblomaasiyadeed, mas’uuliyiin dowladeed, ganacsato, maalgeliyeyaal iyo shirkado ka shaqeeya beeraha, tiknoolajiyadda iyo gaadiidka.
Ajandaha shirku wuxuu muujinayaa in Safiirka Israa’iil uu ka mid ahaa martida furitaanka, halka Safiirka Soomaaliya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, uu ka qeyb galay fadhi gaar ah oo loogu talagalay soo dhoweynta iyo hadallada hordhaca ah, iyada oo ay goob joog ahaayeen wakiillo ka socday Uganda, Urdun iyo Boortaqiiska.









