Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday dhaqan gelinta qodobo cusub oo dastuurka kamid ah, kuwaas oo dhigaya in masuuliyiinta loo magacaabayo Golaha Wasiirrada ay kala doortaan xilka wasiirnimo iyo kan xildhibaanimo.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga tanaasulay kursigiisii xildhibaanimo kadib markii loo magacaabay xilka wasiirnimo, isaga oo raacaya qodobbada cusub ee dastuurka.
“Waxaan si toos ah u sheegay inaan qaadanayo waddada kaabineetka iyo wasiirnimada, isla markaana aan macasalaameynayo waddada xildhibaanimada,” ayuu yiri wasiirka kadib dhaartiisii oo dhacday Isniintii.
Wasiirka ayaa sheegay inuu yahay wasiirkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu dabaqo qodobbadan cusub ee dastuurka, kadib markii la dhaqan geliyay isbeddellada dastuuriga ah.


