Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa bilowday olole caafimaad oo qalliinno bilaash ah loogu samaynayo haweenka qaba dhaawacyada ka dhasha dhalmada, iyadoo in ka badan 30 bukaan la filayo inay helaan qalliin iyo daryeel caafimaad inta uu socdo barnaamijkan oo soconaya muddo toddobaad ah.
Ololahan oo ay qabanqaabisay Hay’adda Mama Zahra Foundation, iyadoo kaashanaysa Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, ayaa billowday 26-kii Luulyo, waxaana uu socon doonaa ilaa 2-da Agoosto. Barnaamijkan ayaa lagu tala galay inya ka faa'iideystaan haweenka ka kala imanaya dhammaan gobollada dalka ee u baahan daaweyn caafimaad oo takhasus leh.
Barnaamijku wuxuu diiradda saaraya daaweynta fistulada dhalmada, oo ah dhaawac ka dhasha dhalmo dheer ama xanniban, kaas oo haddii aan la daaweyn sababi kara dhibaatooyin caafimaad oo halis ah iyo xaalado nololeed oo adag.
Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Bilan Bile Maxamuud, ayaa sheegtay in adeeggan uu wax ka qabanayo baahi caafimaad oo muddo dheer ka jirtay bulshada Soomaaliyeed.