Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday oo lagu qaaday dekedda Damietta ee dalka Masar, iyadoo sheegtay in weerarku uu halis ku yahay xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay garab taagan tahay Qaahira.
War-saxaafadeed ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu cambaareeyay waxa ay ku tilmaamtay weerar argagixiso oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dekedda Damietta 29-kii Luulyo, isla markaana sababay dab ka kacay laba markab iyo khatar soo wajahday kaabeyaal muhiim ah.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa weerarka argagixiso ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday dekedda Damietta ee Masar," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda ula garab taagan tahay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar la tacaalidda hanjabaadaha noocan ah, iyadoo walaac ka muujisay weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha muhiimka u ah isu-socodka badda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarrada noocan oo kale ah ay halis gelinayaan xorriyadda maraakiibta iyo xasilloonida gobolka.