Muqdisho (Dawan Africa) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday shirkadda wadajirka ah ee SOMTURK, taas oo loogu talagalay horumarinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga, iyadoo mashruucan uu yahay mid ka dhashay iskaashi u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga.
Shirkaddan cusub ee SOMTURK oo lagu daahfuray magaalada Muqdisho shalay Ayaa waxaa si wadajir ah u aasaasay Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya iyo shirkadda caalamiga ah ee OYAK, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jabriil Cabdirashiid, iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadan.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shirkaddan ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo ka faa’iideysiga kheyraadka badda, isla markaana lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka. Dowladda ayaa xustay in kalluumeysigu uu noqon karo laf-dhabarta dhaqaalaha mustaqbalka Soomaaliya, maadaama dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika.
Wasiirka Kalluumeysiga, Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay qorshaha dowladda ee lagu soo nooleynayo waaxda kalluumeysiga oo burburtay tan iyo burburkii dowladdii dhexe, isagoo xusay in shirkaddan ay keeni doonto maalgashi, tiknoolajiyad iyo suuq-geyn casri ah.


