Muqdisho (Dawan) – Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray barnaamijka FIFA MA Elite 2026, oo ah tababar lagu horumarinayo garsoorayaasha kubbadda cagta Soomaaliyeed, si loo waafajiyo heerarka iyo shuruudaha caalamiga ah ee FIFA.
Barnaamijka MA Elite, oo ka mid ah qorshayaasha FIFA ee lagu kobcinayo tayada garsoorayaasha dalalka xubnaha ka ah, ayaa diiradda saaraya xulista iyo tababarka garsoorayaasha heerka sare. Inta lagu jiro tababarka waxaa lagu qiimeynayaa awoodda jir-dhiska, fahamka shuruucda ciyaarta, maaraynta kulamada iyo u diyaargarowga tartamada heer gobol iyo heer caalami.
Daahfurka tababarka waxaa sameeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed, oo sheegay in horumarinta garsoorayaashu ay laf-dhabar u tahay kor u qaadidda tayada iyo hufnaanta kubbadda cagta Soomaaliya.
Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, tababarka waxaa ka qeyb galaya 35 garsoore, kuwaas oo isugu jira garsoorayaal dhexe iyo garsooreyaal caawiye ah. Ka-qaybgalayaasha ayaa mari doona imtixaano kala duwan oo lagu cabbirayo orodka, adkaysiga jir ahaaneed, xawaaraha iyo heerka guud ee diyaar-garowgooda.