Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kahamiistan manata ah dalka dib ugu soo celisay 129 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Liibiya, iyadoo sii xoojinaysa dadaallada lagu soo badbaadinayo muwaadiniinta ku xayiran dalka dibaddiisa.
Soo celintan ayaa noqoneysa dufcaddii labaad ee muwaadiniin Soomaaliyeed ee laga soo daadgureeyo Liibiya sanadkan 2026.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 19 ka mid ah dadka la soo celiyay laga dejiyay magaalada Hargeysa, halka inta kale laga soo dejiyay Muqdisho.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xasan Nadaara, ayaa sheegay in dowladda ay si joogto ah uga shaqeyneyso dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan daafaha caalamka.
Waxa uu sheegay in duullimaadkan uu yahay kii labaad ee sanadkan laga fuliyo Liibiya, isla markaana ku dhowaad 500 oo muwaadin Soomaaliyeed dib loogu soo celiyay dalka tan iyo bilowgii sanadkan.