Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya, oo muddo dheer warbaahinta caalamka uga muuqan jirtay colaado, burcad-badeednimo iyo weerarro argagixiso, ayaa hadda xoogga saaraysa dalxiiska si dunida loogu tuso dhinaca kale ee dalka, oo ay ka mid yihiin xeebaha quruxda badan, deegaanka dabiiciga ah iyo goobaha taariikhiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaallo ku bixinaysa in dalxiisku noqdo mid ka mid ah waddooyinka lagu beddeli karo sawirka muddada dheer Soomaaliya looga haystay caalamka, iyadoo la doonayo in quruxda dabiiciga ah iyo goobaha taariikhiga ah loo beddelo fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur.
“Soomaaliya waxaa laga sheegi jiray wax aan u qalmin, oo ah dhul burcad-badeed, dhul argagixiso, dhul dil iyo kufsi ka socda. Laakiin caalamka waxaan tuseynaa Soomaaliya taas ka duwan, oo ah Soomaaliya dalxiis loo imanayo,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim.
Dalxiis iyo shaqo-abuur
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, waaxda dalxiiska ayaa Soomaaliya ka abuurtay in ka badan 40,000 oo shaqo, taasoo muujinaysa fursadaha dhaqaale ee ay waaxdani yeelan karto haddii si qorshaysan loo horumariyo.
La-taliyaha Arrimaha Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Yaasir Baafo, ayaa sheegay in munaasabadda Maalinta Dalxiiska ay tahay fursad lagu xusuusinayo shacabka Soomaaliyeed qiimaha iyo quruxda dalkooda.
“Runtii waxay u dhigantaa maalin aad u weyn oo qof kasta oo Soomaali ah aan rabno in qalbigiisa iyo xasuustiisa ay ku harto Soomaaliya, quruxda iyo bilicda uu Ilaahay ugu deeqay, inaan soo bandhigno, qofka Soomaaligana aan aamino bilicda Ilaahay na siiyay,” ayuu yiri Baafo.