Hargeysa (Dawan)– Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in duruufo dhaqaale ay qayb ka ahaayeen xaaladdii haweeney ku geeriyootay Isbitaalka Guud ee Hargeysa, iyadoo maamulka isbitaalku uu sheegay inuusan hayn xog muujinaysa in haweeneydu ka cabanaysay dhibaato dhaqaale intii ay xarunta ku jirtay.
Wasaaraddu war-saxaafadeed kaoo saartay geerida haweeneyda, waxay sheegtay inay ahayd hooyo dhowaan ku umushay Isbitaalka Guud ee Hargeysa.
Sida ay Wasaaraddu sheegtay, haweeneydu waxay isbitaalka timid iyadoo uur leh, waxayna si caadi ah ugu umushay xarunta. Wasaaraddu waxay sheegtay in iyada iyo ilmaheedu ay caafimaad qabeen kadib dhalmada, balse ilmaha loo baahday in oksijiin lagu xiro oo loo gudbiyo qaybta daryeelka gaarka ah.
Agaasime-ku-xigeenka Isbitaalka Guud ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Cabdisamad Cayngal, ayaa sheegay in haweeneydu ay isbitaalka ku jirtay muddo toddoba maalmood ah, iyadoo halkaas u joogtay daryeelka ilmaheeda.
Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in ehelka haweeneydu ay la joogeen intii ay xarunta ku jirtay, isla markaana aysan jirin wax cabasho ah oo ay maamulka isbitaalka u gudbisay oo ku saabsan dhibaato dhaqaale ama xaalad kale oo culus.
“Wax dhib ah oo ay hooyadu muddada ay taallay isbitaalka qabtay ma jirin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdisamad, sida ku cad hadalka uu jeediyay.
Geeridu waxay dhalisay dood xooggan oo baraha bulshada ah, iyadoo warbaahin iyo isticmaaleyaasha baraha bulshada ay sheegeen in haweeneydu ay is daldashay. Si kastaba, ilaa hadda ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo rasmi ah oo caddeyneysa qaabka ay geeridu u dhacday ama sababta keentay.
Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in ehelka haweeneyda ay habeenkii soo wargeliyeen in la waayay, kadibna shaqaalaha iyo booliska isbitaalka ay bilaabeen raadinteeda.